Chelsea oo guul ka gaartay wadahadalada qandaraaska ee Mason Mount

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay horumar wanaagsan ka sameysay wadahadalada qandaraaska ee ay kula jirto Mason Mount .

Hal abuurka khadka dhexe ayaa tan iyo markii uu yaraa ku sugnaa Blues, waxayna kooxdu doonaysaa inay heshiis cusub la gasho, isaga oo mustaqbalkiisa u hibaynaya iyaga.

Warbixin ay soo saartay Football Insider ayaa lagu sheegay in guulo laga gaaray wadahadaladii u dhaxeeyay, iyadoo labada dhinac ay haatan diyaar u yihiin inay dhameystiraan heshiiska.

Xidigan ayaa lala xiriirinayay inuu ku biirayo midkood Liverpool , halka Real Madrid , Bayern Munich iyo Manchester City ayaa sidoo kale xiiseynayeen.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ku lug lahaa qaab ciyaareedkii ugu dambeeyay ee kooxda chelsea taas oo keentay in ay 3/0 ku garaacaan kooxda Leicester city iyada oo ay Blues heyso hogaanka premier League.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*