Chelsea oo guul muhiim ah ka gaartay West Ham, iskana xaadirisya booska 5-aad

Photo/Getty image

Tammy Abraham ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay iyadoo Chelsea ay garoonkeeda 3-0 kaga badisay West Ham si ay guul ugu soo afjarto kulankeeda ugu danbeeyay ee Premier League ka hor Kirismaska.

Hadal heyntii ku saabsan tartankii horyaalka ee kooxda Frank Lampard ayaa waxaa hareeyay guuldarrooyin isdaba joog ah oo ka soo gaartay Everton iyo Wolves.

Daafaca Thiago Silva ayaana goolka ugu horeeya ee Chelsea Caawa u daah furay Daqiiqadii 10-aad ee Ciyaarta kadib markii uu Shabaqa ku hubsaday kubad koorno aheyd oo uu madaxa la helay.

Guusha caawa ee Blues Waxaa Xaqiijiyay Xidiga Abraham oo si feecan iskugu muujiyay garoonka Stamford Bridge isagoo labo gool ku darsaday daqiiqadihii 78aad iyo 80aad iyadoo ciyaarta ku soo idlaatay 3-0.

Chelsea ayaa fadhiisatay booska 5-aad ee Horyaalka iyadoo leh 25 dhibcood waxaa dhibcadaasi la wadaaga Tottenham inkastoo Chelsea ay goolasha kaga horeyso.

Blues ayaa lugta xigta la ciyaaridoonta kooxda Arsenal oo garoonkeeda lagu ciyaarayo 26 bishan

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*