Chelsea oo guul muhiim ah ka gaartay kooxda Sheffield United iyo Manchester United oo koobka laga reebay

Chelsea ayaa guul ka gaartay kooxda Sheffield United kulan ka tirsan FA Cup-ka wareegiisa sideedaad oo ku soo dhamaaday 3-1.

Chelsea ayaa guushan goolasha ay ku gaadhay ka kala heshay kabtanka Blades ee Olivier Norwood oo gool si qaldan iska dhaliyay Daqiiqadii 24aad ee ciyaarta iyo Hakim Ziyech oo bedel ku yimid isla markaana daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulanka goolka labaad saxiixay.

Natiijada ayaa ka dhigan in Chelsea ay iska xaadiriso semi finalka Koobka FA Cupka.

Manchester United ayaa laga reebay koobka FA Cup ka dib markii ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay kooxda Leicester City oo marti loo ahaa iyadoo xiddigii hore ee Man City Iheanacho uu dhaliyay labo gool.

Leicester ayaa hogaanka ku hormartay markii uu shabaqa u soo taabtay Iheanacho ka hor inta uusan Man United u barbareynin Greenwood laakiin Leicester waxaa hogaanka ku soo celiyay Tielamans ka hor inta uusan Iheancho guusha xaqiijin. Waa markii ugu horeysay tan iyo 1982dii ee ay Leicester u soo baxdo semi-finalka FA Cup.

Leicester ayaa u soo baxday semi-finalka oo ay la ciyaari doonaan Southampton.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*