Chelsea oo guuldaro lama filaan ah kala kulantay Kooxda Southampton

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul-darradii labaad la kulantay xilli ciyaareedkan bilowga ah.

Chelsea ayaa guuldaro 2-1 kala soo kulantay Southampton oo bandhig heersare ah ku tustay tababare Thomas Tuchel iyo xiddigihiisa oo shan kulan gudahood lumiyey siddeed dhibcood.

Blues ayaa safar ku tagtay St. Jame’s Stadium, waxaana gool madi ahaa oo qaybtii hore la hormareen loogu beddelay laba gool, iyada oo sidoo kalena dersin fursado ah oo ay Saints ku dhalin karaysay ay iska khasaariyeen.

Ciyaartii koowaad ee Premier League ee la dheelo Salaasa xilli ciyaareedkan ayaa waxay Chelsea ku noqotay musiibo ka galaafatay saddex dhibcood oo kale, taas oo waliba muujisay sida ay uga dhibaataysan yihiin afka hore ee weerarka xilli laba maalmood oo kali ahi ka hadhsan yahay waqtiga uu xidhamayo suuqa iibka ciyaartoydu.

Chelsea oo daqiiqaddii 23aad uu hoggaanka u dhiibay Raheem Sterling ayaa waxay Southampton qaybta horeba kaga daba timid darbad xooggan oo uu Romeo Lavia awood u dhaafiyey goolhaye Mendy iyo dersin difaacyahanno ah kubbad uu ka toogtay bannaanka, ka hor intii aanu Adam Armstrong raacinin goolka labaad oo qaybtii dambe, waxaanay ahayd kubbad kusii dhacday Kalidou Koulibaly oo uu goolhaye Mendy gaadhi waayey.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday 2-1 oo ku badisay Kooxda Southampton.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*