Chelsea iyo Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay kula tartami doonaan Manchester City adeega Denis Zakaria suuqa kala iibsiga.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Monchengladbach wuxuu heystaa liis dheer oo taageerayaal ah ka dib qaab ciyaareedyo heer sare ah oo uu la soo qaaday kooxdiisa.
Denis ayaa ku soo laabtay garoomada ka dib dhaawac halis ah oo jilibka ah waxaana uu heegan geliyay qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn adduunka.
United ayaa isha ku heysa ciyaaryahanka khadka dhexe madaama ay raadinayaan bedelka Nemanja Matic.
Xiddiga reer Serbia ayaa 33 jirsan doona dhamaadka ololahan Ole Gunnar Solskjaer ayaa raadinaya xidig cusub si uu dib ugu soo nooleeyo booskiisii ​​khadka dhexe.