Home Warka Xiisaha Leh Chelsea oo heshay beddelka laacibka muddada dheer dhaawaca u jiifaya ee Romeo...

Chelsea oo heshay beddelka laacibka muddada dheer dhaawaca u jiifaya ee Romeo Lavia

0

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa heshay beddelka laacibka muddada dheer dhaawaca u jiifaya ee Romeo Lavia oo ay kala soo wareegeen Southampton, iyaga oo heshiiskiisa ku garaacay Liverpool oo si aad ah u doonaysay.

Chelsea oo ay xagaagii ka tageen ciyaartooyo badan, Kalidou Koulibaly, Mateo Kovacic, Edouard Mendy, Kai Havertz, Ruben Loftus-Cheek, Mason Mount, Christian Pulisic, Callum Hudson-Odoi, Ethan Ampadu Cesar Azpilicueta, N’Golo Kante iyoTiemoue Bakayoko ayaa waxa uu Mauricio Pochettino ku sameeyey xoojin badan.

Blues ayaa waxay la saxeexatay oo ay kuwa baxay ku beddeshay Nicolas Jackson, Christopher Nkunku, Angelo Gabriel, Axel Disasi, Robert Sanchez, Moises Caicedo, Deivid Washington, Dorde Petrivic, iyo Cole Palmer oo ahaa laacibkii ugu dambeeyey ee ay lasoo wareegeen, iyaga oo kasoo qaatay Manchester City.

Si kastaba, waxa Blues walaac ku abuuray Romeo Lavia oo ay £58 milyan oo Gini kusoo iibsadeen oo isaga oo aan hal kulan ciyaarin uu tababarka kooxdiisa kasoo gaadhay dhaawac kuraanta ah oo la qiyaasayo inuu muddo dheer u jiifi doono.

Mauricio Pochettino oo marka ay ciyaartoydu ka dhaawacmaan si degdeg ah u geli jiray suuqa, ayaa waxa hadda uu dib ugu noqon doonaa safkiisa maadaama uu suuqu ka xidhan yahay, waxaana uu beddelka Lavia ka dhax-helay kooxdiisa.

Lesley Ugochukwu oo ay Chelsea £13 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Rennes, ayaa uu Pochettino u qorsheeyey in uu noqdo beddelka Lavia iyadoo laacibkan uu bandhig fiican sameeyey saddexdii ciyaarood ee uu u saftay Chelsea tan iyo markii uu kusoo biiray.

Waxa uu ciyaaray kulankii wareegga labaad ee Caraao Cup ee AFC Wibledon, kaddina waxa uu beddel kusoo galay labadii ciyaarood ee Premier League ee Liverpool iyo Luton Town.

Previous articleBarcelona oo heshiis cusub oo la gaartay xiddigeeda da’da yar ee taariikhda xalay ka sameeyey xulka qaranka Spain ee Lamine Yamal
Next articleKooxda kubadda cagta Arsenal oo Soo Gaarau war kale oo ka nixinayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here