Home Horyaalka France Chelsea oo isha ku haysa Daafaca Bayer Leverkusen ee Tapsoba inuu noqdo...

Chelsea oo isha ku haysa Daafaca Bayer Leverkusen ee Tapsoba inuu noqdo bedelka Fofana

0

Chelsea ayaa laga yaabaa in ay dareenkeeda u jeediso daafac ka ciyaara Bundesliga hadii ay heli waayaan Wesley Fofana .

Ninka Leicester City ayaa ah bartilmaameedkooda ugu weyn ka hor inta aysan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda dhamaadka bishaan.

Si kastaba ha ahaatee, Sky Sports ayaa sheegaysa in Edmond Tapsoba oo ka socda Bayer Leverkusen uu yahay ikhtiyaar kale.

Chelsea ayaa dalab seddexaad oo 70 milyan ginni ah ka diiday Leicester, kuwaasoo doonaya lacag rikoor ah oo ay ku iibsadaan xidiga.

Isha ayaa intaa ku dartay in Tapsoba, oo Leverkusen la joogay tan iyo 2019, ay hubaal tahay in lagu heli karo kharash aad u yar.

23-sano jirkaan waxaa qandaraaskiisa uga harsan afar sano, taasoo la micno ah in Leverkusen aysan dooneyn inay iibiso.

Previous articleBartilmaameedka Man Utd Dembele oo iska diiday qandaraaska ay u soo bandhigtay Lyon
Next articleConte: Kane kaliya maaha ciyaaryahan sare, laakiin runtii Waa nin wanaagsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here