Chelsea oo isha ku haysa inay Manchester United ka afduubato Antony

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay kula tartanto Manchester United tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Ajax Antony xagaagan .

22-jirka reer Brazil ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford, taasoo keeni karta inuu dib ula midoobo Erik ten Hag oo ka tagay horyaalka Eredivisie si uu u qabto xilka Manchester.

Wakiilka Antony ayaa la rumeysan yahay inuu ku riixayo kalyantigiisa inuu u dhaqaaqo Red Devils, waxaana uu ka codsaday Ajax inay dhageysato dalabyada u imaanaya weeraryahanka xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, 90min ayaa sheegtay in United ay tartan kala kulmi karto Chelsea, iyadoo madaxda kooxda Galbeedka London ay dhawaan wadahadalo la yeesheen wakiilada ciyaaryahanka ee UK.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in Antony uu ka mid yahay dhawr bartilmaameed oo weerar ah oo ay chelsea aqoonsatay, si la mid ah xiddiga Barcelona Ousmane Dembele , xiddiga Manchester City ee Raheem Sterling iyo xiddiga Leeds United ee Raphinha.

Waxaa loo maleynayaa in Antony ay Ajax ku qiimeysay in ka badan 40 milyan ginni, iyadoo weeraryahanka uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga 2025.

Antony ayaa xilli ciyaareedkii hore qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda reer Holland isaga oo dhaliyay 12 gool waxana uu u dhaliyay 10 caawin 32 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*