Chelsea oo isha ku heysa ciyaaryahanka Inter Milan Nicolo Barella

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso ciyaaryahanka khadka dhexeee Inter Milan Nicolo Barella , inkastoo kooxda reer Talyaani ay ka caga jiideyso inay ka fasaxdo San Siro.

24 jirkaan ayaa Inter kaga soo biiray kooxda Cagliari sanadii 2019, waxaana uu u saftay 80 kulan, isagoo dhaliyay 7 gool, waxaana uu caawiye ka ahaa 18 kale kooxdiisa haatan.

Barella ayaa waxaa xiiseynayay kooxo badan oo waa weyn oo yurub ah, iyadoo Bayern Munich iyo Atletico Madrid ay ku biireen Chelsea iyagoo isha ku haya helitaankiisa.

ESPN ayaa ku warameysa in Inter Milan ay dooneyso inay ceshato kubadsameeyaha waxaana la filayaa inay u soo bandhigaan qandaraas cusub oo mushahar kordhin sare leh.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa ka caawiyay Inter inay 11 dhibcood ku qabato hogaanka Serie A, taasoo Nerazzurri u horseeday hanashada horyaalkeedii ugu horreeyay tan iyo 2010.

Barella ayaa weli seddex sano uga hartay qandaraaskiisa haatan, waxaana uu 10 caawin ka helay 39 kulan oo uu u saftay kooxda Antonio Conte xilli ciyaareedkan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*