Home Horyaalka Ingiriiska Chelsea oo isha ku heysa inay u dhaqaaqdo daafaca kooxda Ajax

Chelsea oo isha ku heysa inay u dhaqaaqdo daafaca kooxda Ajax

0

Daafaca buuxa ee reer Argentine Nicolas Tagliafico ayaa lagu soo waramayaa inuu qandaraas cusub u saxiixi doono Ajax isbuuca soo socda, si kastaba ha ahaatee, wuxuu weli xor u yahay inuu ka tago kooxda reer Holland dhamaadka xilli ciyaareedka 2020-21.

28 jirkaan daafaca ah ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo kooxdiisa haatan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, si kastaba ha noqotee, waqtigii ugu dambeeyay ayaa la dhaafay iyadoo daafaca buuxa ee South America uu weli ku sugan yahay Amsterdam.

Sida laga soo xigtay De Telegraaf, Tagliafico ayaa dhawaan qandaraas cusub u saxiixi doona Ajax, isagoo qandaraaska u kordhin doona ilaa June 2023 inta lagu jiro howsha, si kastaba ha ahaatee, waxaa loo ogolaan doonaa inuu ka tago kooxda xagaaga soo socda.

Warbixinta ayaa soo jeedinaysa in ‘heshiis aan rasmi ahayn’ ay la micno tahay in daafaca dambeedka bidix ee reer Argentina uu xor u noqon doono inuu ku biiro ‘koox sarre oo Yurub ah’ ka hor ololaha 2021-22 iyadoo Ajax ay dooneyso inay hubiso inay helaan qiimaha ugu macquulsan ee South America .

28 jirkaan daafaca ah, oo si aad ah loogu xamanayay labada koox ee Man City iyo Chelsea, ayaa 110 kulan u ciyaaray kooxdiisa reer Holland tartamada oo dhan, isagoo dib u helay shabaqa 12 jeer, waxaana uu caawiye ka ahaa 16 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here