Chelsea oo isha la raaceysa xiddigii hore ee khadka dhexe ee Tottenham Hotspur

Photo/Reuters

Kooxaha waa weyn ee Premier League ee Chelsea iyo Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay miisaamayaan suurtagalnimada ay ugu dhaqaaqi karaan kubadsameeyaha Inter Milan Christian Eriksen marka suuqa kala iibsiga dib loo furi doono bisha Janaayo.

Xiddiga reer Denmark ayaa ku dhibtooday inuu soo jiito kooxda Antonio Conte tan iyo markii uu kaga soo biiray Tottenham horaantii xagaagii hore.

28 jirkaan ayaan caawin ama dhalin wax gool ah tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, halka uu kaliya afar gool dhaliyay seddexna caawiye 33 kulan oo uu u saftay Inter Milan tan iyo markii uu yimid.

Warbixin dhowaan soo baxday ayaa soo jeedisay in Red Devils iyo Chelsea ay qorsheynayaan inay bisha Janaayo u dhaqaaqaan kubadsameeyihii hore ee Spurs, kaasoo lagu heli karo qiimo dhan 18 milyan oo ginni.

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, waxaa xiiso dhab ah ka helaya kooxda 20ka jeer hanatay horyaalka Ingariiska, halka kooxda Frank Lampard sidoo kale la rumeysan yahay inay si dhow isha ugu heyso horumarka ku xeeran kubadsameeyaha.

Eriksen ayaa shabaqa soo taabtay 69 jeer wuxuuna caawiye ka ahaa 89 gool 305 kulan oo uu u ciyaaray Spurs intii uu joogay England ka hor inta uusan ka tagin.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*