Chelsea oo iska Xaadirisay Semi-finalka FA Cup-ka kadib guul ay gaartay Man City

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa u gudubtay finalka FA Cup kaddib markii ay ciyaar adag oo Wembley ka dhacay ay 1-0 ku garaaceen Manchester City.

Tababare Thomas Tuchel ayaa kooxdiisu ay bilowgii ciyaarta dhalisay gool uu u saxeexay Hakim Ziyech, laakiin waxa lagu qabtay OFFSIDE iyadoo uu falcelin degdeg ah sameeyey VAR.

goolka madiga ah ee ciyaarta go’aamiyey qaybta labaad u dhaliyey Hakim Ziyech soo si aanu muran ku jirin goolka ugu hubsaday kubbad heersare ahayd  oo uu usoo dhiibay Timo Werner daqiiqadii 55aad ee ciyaarta.

Labada kooxoodba waxay heleen fursado ay goolal u beddeli karayeen qaybta dambe, balse waxa hal fursad ka faa’iidaysatay Chelsea oo gool labaad uu u dhaliyey Pulisic oo beddel kusoo galay, laakiin waxa goolkana meesha ka saaray calanwadaha oo ku qabtay offside.

Chelsea ayaa finalka FA Cup la ciyaari doonta Leicester City iyo Southampton midkooda soo gudba, halka Man City ay ka burburtay mid ka mid ah riyooyinkoodii xilli ciyaareedkan oo ahaa in ay ku wada guuleystaan dhamaan tartamada maxalliga ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*