Home Wararka Wargeysyada Chelsea oo isku dayaysa inay afduubato xiddigii ay Liverpool ee Alexis Mac...

Chelsea oo isku dayaysa inay afduubato xiddigii ay Liverpool ee Alexis Mac Allister

0
Ad

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa isku dayaysa inay afduubato xiddigii ay Liverpool heshiiska shaqsiga ah la gadhay ee Alexis Mac Allister, kaas oo kaalinta koowaad kaga jira qorshaha tababare Jurgen Klopp uu dib ugu dhisayo Liverpool.

Liverpool ayaa isku diyaarinaysay inay usbuucyada soo socda dhamaystirto heshiiska Alexis Mac Allister oo ay kala soo wareegayso Brighton & Hove Albion, hase yeeshee Chelsea ayaa meel dhexe kaga soo dhacday iyada oo adeegsanaysa lacag badan.

Ad

Blues oo la ogaa sidii ay Arsenal iyo Manchester United ugu garaacday ciyaartooyo ay doonayeen suuqyadii xagaagii hore iyo January, ayaa waxay haddana dhantaalaysaa qorshaha Liverpool oo sida ay saxaafaddu sheegtay mar horeba heshiiska shaqsiga ah ee Alexis Mac Allister dhamaystirtay, haddana ay kaliya u hadhsanaayeen inay la xaajooto Brighton oo ay kala heshiiso qiimaha iibka xiddigan reer Argentina.

Mauricio Pochettino oo la filayo in usbuuca soo socda lagu dhawaaqo inuu yahay tababaraha cusub ee Chelsea, ayaa waxa uu doonayaa in Alexis Mac Allister oo ay isku waddan yihiin in uu keeno Stamford Bridge, waxaana uu kooxdiisa ku riixayaa in ay saxeexa laacibkan uga hormaraan Liverpool.

Alexis Mac Allister oo ay kooxdiisu ku qiimaysay lacag gaadhaysa £70 milyan oo Gini, ayaa waxa kale oo danaynayey oo ay Liverpool uga hormartay Manchester City, Manchester Unted iyo Arsenal.

Previous articleTobanka tababare ee ugu koobabka badan kubadda cagta oo La shaaciyay
Next articleMan City 1-0 Chelsea: Man City Oo Da’yarteedu Garaacday Chelsea, Lana Guddoonsiiyey Koobka Horyaalka Premier League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here