Chelsea oo isku diyaarinaysa inay dalab cusub ka gudbiso Matthijs de Ligt.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay sii xajisatay xiisihii ay u qabtay saxiixa daafaca Juventus Matthijs de Ligt dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Iyadoo 22-sano jirku uu gaarayo kala bar qandaraaskiisa shanta sano ah, hadana su’aasha ayaa ah in xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands loo ogolaan doono inuu ka tago kooxda reer Talyaani.

Sida laga soo xigtay Calciomercato , Chelsea ayaa durba go’aansatay inay dalab rasmi ah ka gudbiso De Ligt inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Iyadoo horay loo soo jeediyay in Blues ay u baahan tahay inay bixiso wax ka badan 80 milyan ginni ciyaaryahanka, qarashka noocaas ah ayaa u muuqda mid aan macquul aheyn marka loo eego xaalada qandaraaska De Ligt iyo arrimaha dhaqaalaha ee Juve.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in De Ligt loo arko bedelka macquulka ah ee Antonio Rudiger , kaasoo aan weli qandaraaska u kordhin kooxda xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*