Home Horyaalka Ingiriiska Chelsea oo ka badisay Newcastle United soona gashay Kaalinta Afaraad ee Horyaalka

Chelsea oo ka badisay Newcastle United soona gashay Kaalinta Afaraad ee Horyaalka

0

Kooxda Chelsea ayaa mar kale isku aragtay Masraxa kubada cagta qeybteeda sare kadib markii ay caawa garaacday kooxda Newcastle United Kulan ka tirsan Horyaalka Premier League oo gurigeeda lagu ciyaaray.

Xidigaha Olivier Giroud iyo Timo Werner ayaa qeybta Hore Chelsea ka caawiyay guusha Caaawa iyagoo labada gool kala dhaliyay daqiiqadihii 31-aad iyo 39-aad ee ciyaarta iyadoo qeybta danbe aysan labada koox soo bandhigin wax fursad ah amaba gool.

Chelsea ayaa soo gashay booska 4-aad ee Horyaalka Premier League iyagoo leh 42- dhibcood waxana booskaasi kala wareegeen kooxda Liverpool oo hada u dhacday booska 6-aad ee Horyaalka.

Maxaa Xiga

Chelsea ayaa kulankeeda xiga waxay la ciyaaridoonta kooxda Southampton 20-ka bishan oo sabti ku beegan kulankaasi oo qeyb ka ah Horyaalka.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here