Home Horyaalka Germalka Chelsea oo ka fiirsaneysa inay xagaaga u dhaqaaqdo daafaca 22 jirka RB...

Chelsea oo ka fiirsaneysa inay xagaaga u dhaqaaqdo daafaca 22 jirka RB Leipzig

0

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso daafaca RB Leipzig Dayot Upamecano, waxa ay rabtaa in ay keento Stamford Bridge inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaygan.

Daafaca reer France ayaa si aad ah loola xiriirinayay Man Utd iyo Liverpool sanadkii la soo dhaafay, si kastaba ha ahaatee, wuxuu qandaraas cusub u saxiixay kooxdiisa Bundesliga dhamaadka July.

22-sano jirkaan daafaca ah ayaa la rumeysan yahay in ay kujirto heshiis lagu burburin karo kaas oo ah 40m, in kastoo RB Leipzig madaxa Oliver Mintzlaff uu dhawaan sheegay in daafaca uu dhawaan ka tagayo kooxda.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Blues ayaa haatan ku soo biirtay loolanka loogu jiro ciyaaryahanka reer France, inkastoo kooxda Frank Lampard ay tartan adag kala kulmi karto kooxaha sida Bayern Munich iyo Real Madrid.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in da’da Thiago Silva, marka lagu daro hubin la’aanta hareeraha mustaqbalka Fikayo Tomori, Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen ay la micno tahay in kooxda reer London ay u baahan tahay inay la soo saxiixato daafac dhexe oo cusub ka hor xilli ciyaareedka 2021-22.

Upamecano ayaa u ciyaaray RB Leipzig 123 kulan tan iyo markii uu ka yimid Red Bull Salzburg sanadkii 2017 wuxuuna isku muujiyay inuu yahay mid ka mid ah daafacyada ugu fiican heerka koowaad ee dalka Jarmalka waxayna u badan tahay inuu talaabo u qaado mustaqbalkiisa ciyaareed isla markaana uu saxiixo mid kamid kooxaha ugu sareeya qaarada Yurub.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here