Chelsea oo kalsooni ku qabta inay ku guuleysato tartanka Erling Braut Haaland’

@Reuters

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay sii kordheyso kalsoonida ay ku guuleysaneyso tartanka loogu jiro saxiixa Erling Braut Haaland inkastoo xiisaha weeraryahan ee Kooxaha kale ay sii kordhayaan.

20 jirkaan ayaa dhaliyay 43 gool 45 kulan oo uu u saftay BVB tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 27 gool 27 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii 2020-21.

Kooxo dhowr ah oo ay ku jiraan Manchester United , Real Madrid , Barcelona iyo Manchester City ayaa lala xiriirinayay ciyaaryahanka reer Norway ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

65m ayaa lagu burburin karaa qandaraaska Haaland ee Kooxdiisa Germalka.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Real Madrid ay u aragto Man City inay tahay tartanka ugu weyn ee ay kula jiraan weeraryahankaan, laakiin sida laga soo xigtay ESPN , Kooxdaweyn ee Chelsea ayaa dareensan inay ku qancin karaan wiilkaan inuu ku biiro kooxda.

Blues ayaa la sheegay inay rumeysan tahay in fursadda ay kooxda ugu hoggaamin karto Hanashada Xidigan ay tijaabindoonto.

Madaxa kooxda koowaad ee kubada cagta Dortmund Sebastian Kehl ayaa dhawaan ku adkeystay in kooxda ka ciyaarta Bundesliga ay isku diyaarinayso in Haaland uu la joogo kooxda xilli ciyaareedka soo socda.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*