Xiddiga kooxda chelsea ee Antonio Rudiger ayaa xaqiijiyay in uu si buuxda u badalay mustaqbalkiisa Stamford Bridge waxana uu haatan dareemayaa in uu yahay laacib boost joogto ah ka heli doona kooxda inkasta oo uu rabo in uu ka tago kooxda xagaayga soo socda.
27 jirkaan ayaa hoos u dhigay amarka kooxda, waxaana si aad ah loola xiriirinayay kooxda ka dhisan ee Tottenham iyo Paris Saint-Germain ilaa iyo haatan doonaya.
 Waxaa burburtay wada hadaladii Spurs ay ku doonayeen Rudiger kadib wal wal oo qabay falcelin macquul ah oo kaga timaada taageerayaasha Chelsea laakiin tababaraha xulka qaranka Joachim Low ayaa sheegay in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka uu sameeyay wax walba oo awoodiisa ah inuu ka tago Chelsea xili ciyaareedkan laakiin ugu danbeyn waxa oo bixi doonaa bisha Janaayo hadii oo kooxda ka helin boos joogto ah.
Xaaladda ayaa u muuqatay mid aan laga soo kabsan karin maadaama Antonio lagu soo darin sagaalkii kulan ee furitaanka Chelsea ee xilli ciyaareedka laakiin daafaca dambeedka dhexe ayaa ku soo laabtay kooxda dhamaadka bishii hore ka dib wadahadalo wanaagsan oo uu la yeeshay Frank Lampard tan iyo markaasna wuxuu ka soo muuqday Krasnodar, Rennes iyo Newcastle United.
Waan ku qanacsanahay sida xaaladdu u hagaagtay toddobaadyadii la soo dhaafay. Haatan waxaan isu arkaa inaan ahay laacib wanaagsan oo koox joogto ka ah, ‘ayuu u sheegay wargayska Jarmalka ee SID.
‘Waxaan qaatay waqti adag, sidaas darteed waxaan sidoo kale hubiyay xulashooyinka kale ee bedelka kooxda laakiin waxaan ka helay calaamado wanaagsan kooxda tababaraheeda.’
Wuxuu door weyn ka ciyaaray qancinta Timo Werner inuu ku biiro Blues xagaaygii hore, daafaca ayaa la dhacay sida dhaqsiyaha badan ee ay xidigaha isku dhalashada yihiin ula qabsadaan nolosha Premier League.
Horyaalku si wanaagsan ayuu ula qabsaday Timo. Timo ayaa si dhaqso leh ugu soo biiray kooxda, waxa oo soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan ,ayuu sii raaciyay xiddigii hore ee AS Roma.