Home Wararka Ciyaaraha Chelsea oo kula dagaalami doonta Real Madrid saxiixa Florian Wirtz

Chelsea oo kula dagaalami doonta Real Madrid saxiixa Florian Wirtz

0

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso inay kula tartanto Real Madrid tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayer Leverkusen Florian Wirtz .

Laacibka reer Jarmal ayaa soo jiitay kooxo badan waxaana uga mahad celinayaa qaab ciyaareedkiisa Die Werkself xili ciyaareed kaan, waxaana lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda reer Spain ee Real Madrid xagaaga soo aadan.

Sida laga soo xigtay El Nacional , Blues ayaa hadda soo gashay dagaalka, iyadoo horay u soo qaadatay weeraryahanada Kai Havertz iyo Timo Werner xagaagii 2020-ka .

Wirtz ayaa u saftay 14 jeer kooxda Jarmalka ee ciyaaraha gudaha iyo kuwa qaaradaha ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay todobo gool islamarkaana caawiyay todobo gool si uu u qaato rikoorkiisa 16 gool iyo 15 caawin 61 kulan oo uu u saftay Die Werkself.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa sidoo kale durbaba afar kulan u saftay xulka qaranka Jarmalka, isagoo labo caawin ku sameeyay 76 daqiiqo oo kaliya.

Previous articleArsenal oo xiiseyneysa Xidiga kooxda Sassuolo ee Domenico Berardi
Next articleJules Kounde ” Kubadeeda Ayay saameyn ku yeelatay Fashilkii iga soo gaaray ku biirista Chelsea ”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here