Chelsea oo ku fikiraysa in Eden Hazard amaah ugu soo laabto Kooxda

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay dib ugu soo celiso Eden Hazard kooxda heshiis amaah ah.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Belgian ayaa ka tagay Blues kuna biiray Real Madrid 2019 ka dib sideed sano oo uu ku qaatay Blues, lakiin waxa uu ku dhibtooday tan iyo markii uu yimid Spain.

Hazard waxa uu la tacaalayay dhibaatooyin dhaawac mana u suurtagelin in uu si joogto ah u boos kaga helo shaxda XI taas oo keentay in shaki badan laga muujiyo mustaqbalkiisa .

Real Madrid ayaa haatan dooneysa inay lacag kaash ah ku hesho, sida laga soo xigtay ABC , iyadoo kooxda reer Spain ay dooneyso inay iibiso kabtanka Belgium suuqa kala iibsiga xagaaga.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in tani ay albaabada u furi karto inuu dib ugu laabto London, iyadoo lagu soo waramayo in Blues ay ka fikireyso heshiis amaah ah bisha Janaayo, iyadoo ikhtiyaar ay ku iibsan karto dhamaadka xilli ciyaareedka la gelin doono.

Hazard ayaa u saftay 352 kulan intii uu joogay Chelsea, isagoo u dhaliyay 110 gool intii uu joogay kooxda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*