Chelsea oo ku guuleysatay Koobka Champions League, Kai Havertz oo ka caawiyay

Kooxda Chelsea ayaa ku guuldareysatay koobka Champions League Finalkiisa oo ay la ciyaareen Kooxda Manchester City oo sanadkan ku guuldareysatay Horyaalka Ingiriiska.

Blues ayaa Goolka guusha ee Kulankan uga Mahadcelineysa Xidiga Kai Havertz oo Goolka u dhaliyay qeybta hore ee ciyaarta.

Sharaxaada Ciyaarta.

Kooxda Chelsea ayay u suura gashay inay hogaanka qabato Daqiiqadii 42aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay Kai Havertz oo kubad dhex dhiib ah ka helay Mason Mount.

Qeybta Danbe leeskama dhalin wax gool ah waxana ciyaarta ay ku soo dhamaatay 1-0.

Xidiga De Bruyne ayaa ciyaarta laga saaray taasi oo Niyadjab ku noqotay Kooxda Manchester City kadib markii ay isku dhaceen Antonio Rüdiger.

Chelsea ayaa hanatay Horyaalka Yurub markii labaad Taariikh-da waxaana halkaasi ku soo dhamaaday Riyada Manchester City oo aheyd hanashada Champions League markeeda ugu horeysay.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*