Home Warka Xiisaha Leh Chelsea oo la daalaa-dhacaysa dhaawacyada ciyaartoydeeda ee sii badanaya maalinba maalinta ka...

Chelsea oo la daalaa-dhacaysa dhaawacyada ciyaartoydeeda ee sii badanaya maalinba maalinta ka dambaysa

0

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la daalaa-dhacaysa dhaawacyada ciyaartoydeeda ee sii badanaya maalinba maalinta ka dambaysa, waxaanay dhakhaatiirta kooxdu ku mashquulsan yihiin dersin ciyaartooyo ah oo u jiifa dhaawacyo kala duwan.

Garoonka tababarka ee Cobham ayaa waxa shalay kusoo korodhay naxdin kale markii la arkay saxeexa rikoodh jabiska ah ee Moises Caicedo oo jilibka lagaga duubay baandhayj/faashad, kaddib markii uu ka dareemay xanuun.

Caicedo ayaa waxa uu dhaawac kaasoo gaadhay ciyaartii uu xulka qarankiisu guul-darraystay ee ay la dheeleen Uruguay, balse sida muuqata ma aha dhaawac culus, waxaana ay warbaahinta Ingiriisku sheegayaan in sidoo kale ay dhakhaatiirtu ka daawaynayaan dhaawac muruqa ah.

Mauricio Pochettino ayaa sheegay in ay qiimayn doonaan xaaladda Caicedo ka hor inta aan la gaadhin ciyaarta, kaddibna ay dhakhaatiirtu bixin doonaan ogolaashaha ah in uu ciyaarayo iyo inkale, waxaanu yidhi: “Moises waxa aanu u baahanahay in aanu qiimayno xaaladdiisa sababtoo ah waqti dambe ayuu noo yimid marka loo eego Enzo, laakiin haa, waxa aanu rajaynaynaa in uu taam noqdo.”

Chelsea ayaa waxa hore dhaawacyo ugaga maqnaa Benoit Badiashile, Romeo Lavia, Carney Chukwuemeka, Armando Broja, Reece James, Trevoh Chalobah, Christopher Nkunku iyo Wesley Fofana, waxaana uu Caicedo noqonayaa ciyaartoygii tobnaad ee dhaawacma haddii uu ka maqnaado kulanka maanta.

Previous articleRiyad Mahrez oo loola cararay oo la dhigay cusbitaal ku yaalla magaalada Jiddah ee waddanka Sucuudi Carabia
Next articleWaa kuwan liiska 20ka ciyaartoy ee uu Mikel Arteta kala hortegayo Everton ee Maantay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here