Home Horyaalka Ingiriiska Chelsea oo bar-bar dhac kala kulantay Kooxda Southampton

Chelsea oo bar-bar dhac kala kulantay Kooxda Southampton

0

kooxda Chelsea ayaa ayaa kala kulantay barbaro kooxda Southampton kulan ka tirsan Horyaalka Premier league oo lagu ciyaartay garoonka St. Mary’s Stadium.

Southampton oo kulankan marti loogu ahaa garoonkeeda ayaana halis galisay kooxda Chelsea iyadoo qeybta hore hogaanka u qabatay ciyaarta waxana goolkaasi u dhaliyay Takumi Minamino daiiqadii 33-aad ee ciyaarta iyadoo lagu kala nastay goolkaasi.

Qeybta danbe kooxda Chelsea sooma badhigin ciyaar adag iyadoo goolka bar-baraha heshay daqiiqadii 54-aad ee ciyaarta kaasi oo ahaa rigoore waxana u dhaliyay Mason Mount.

Chelsea ayaana wali ku jirta booskeeda 4-aad ee kala sareynta horyaalka waxana ay u dhici kartaa booska shanaad hadii ay guul gaarto kooxda West Ham United oo la ciyaareysa Manchester City.

Maxaa Xiga

Blues ayaa la ciyaareysa kooxda Atletico madrid kulankeeda xiga kaasi oo qeyb ka ah wareega 16-aad ee Champions league.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here