Chelsea oo lagu booriyay inay u tixgeliso Hasenhuttl bedelka Lampard

Photo by BEN STANSALL/AFP via Getty Images)

Chelsea ayaa loogu baaqay inay tixgeliso tababaraha Southampton Ralph Hasenhuttl si uu u noqdo bedelka Frank Lampard.

Blues ayaa u dhacday kaalinta 8-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League kadib qaab ciyaareed niyad jab leh oo ay soo bandhigtay iyaga oo culayska ku sii kordhaya tababaraha haatan hogaamiya.

Weeraryahankii hore ee Sunderland Kevin Phillips, oo sidoo kale u soo ciyaartay Saints, ayaa u sheegay Stadium Astro in Tabaraha Reer Austrian uu awood u leeyahay inuu guul ku gaaro Stamford Bridge .

“Runtii shaqo fiican ayuu ka wadaa xeebta koonfureed. Ma jecli inaan arko Frank oo lumiya shaqadiisa, ma jecli inaan arko maamule kasta oo shaqadiisa waaya laakiin waxaan fahansanahay kubada cagta waana ganacsi.

Hasenhuttl wuxuu soo dhisay sumcad aad u fiican sanadihii la soo dhaafay shaqadiisa RB Leipzig iyo Southampton.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*