Chelsea oo loo sheegay inay bixiso 66 milyan ginni oo ku aadan Victor Osimhen

Chelsea ayaa loo sheegay qiimaha Lagu Heli karo Victor Osimhen oo ah 66m £, sida lagu sheegay warbixinti ugu danbesay.

Warar la isla dhexmarayo ayaa ku saabsan mustaqbalka Romelu Lukaku tan iyo markii uu wareysigiisa muranka dhaliyay ee Sky Italia la shaaciyay, iyadoo mustaqbalkiisa lala xiriirinayo meelo kale, taasoo keentay xiisaha weeraryahanka Naples.

Paris Saint-Germain ayaa la sheegay inay xiiseyneyso weeraryahanka Belgian ee Lukaku, inkastoo uu si cad u ballanqaaday inuu ka go’an yahay Qorshihiisa Blues, waxaana uu ku soo bilowday labadii kulan ee lasoo dhaafay intii uu hogaaminayay Thomas Tuchel .

Si kastaba ha ahaatee, El Nacional ayaa ku warameysa in Napoli Osimhen ay ku qiimeyso 66 milyan ginni kooxdiisa haatan.

23-sano jirkaan ayaa haatan qandaraas kula jira kooxda reer Talyaani ilaa 2025, waana sababta aad loogu qiimeeyo, iyadoo weeraryahanka uu shan gool ka dhaliyay Serie A xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa ku soo laaban doonta garoonka Arbacada marka ay wajahdo Tottenham Hotspur lugta labaad ee semi-finalka EFL Cup, halkaasoo ay hore ugu soo badisay 2-0.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*