Chelsea oo Mar kale dib ugu soo laabatay Xiisaha David Alaba

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay qeyb ka tahay xiisaha David Alaba iyadoo daafaca boosaska badan uu umuuqdo inuu isku diyaarinayo inuu sixor ah kagatago Bayern Munich .

28 jirkaan qandaraaskiisa Allianz Arena ayaa dhacaya dhamaadka Juun, waxayna umuuqataa inuu raadinayo koox cusub xilli ciyaareedka 2021-22.

Kooxo dhowr ah oo ay ku jiraan Manchester United , Paris Saint-Germain , Liverpool iyo Real Madrid ayaa la sheegayaa inay xiiseynayaan saxiixa daafaca.

Dhanka kale, warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegeysa in Alaba uu qarka u saaran yahay inay qandaraas qaali ah ka helo Manchester City si uu ugu dhaqaaqo Etihad Stadium.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Sky Sports News , Chelsea ayaa sidoo kale si xoogan u baadi goobeysa ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Austria, kaasoo dhaliyay labo gool 24 kulan oo uu u saftay kooxda heysata horyaalnimada Yurub xilli ciyaareedkan.

Ninka sagaalka jeer ku guuleystay Bundesliga ayaa haatan xor u ah inuu wadahadal la galo kooxo shisheeye maadaama uu galay lixdii bilood ee ugu dambeysay heshiiskiisa kooxda Der FCB.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*