Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul kasoo gaadhay toban ciyaartoy oo AC Milan ah oo ay kusoo garaacday San Siro Stadium, waxaanay hoggaanka u qabatay Group-ka E iyadoo tababare Graham Potter uu soo hooyey guushiisii labaad ee Champions League.
Chelsea oo guul-darro galaaftay Thomas Tuchel ku bilaaabatay tartankan ayaa waxay walwalkii hayay kaga baxday AC Milan oo siddeed maalmood gudahood ay kaga qaadatay Lix dhibcood.
Daqiiqadii 18aad Jorginho ayaa Hogaanka u dhiibay Chelsea Goolkaasi oo ahaa Rigoore Waxana Casaan la Siiyay Tomori oo Qalad ku galay Mount.
Isla Qeybta Hore Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Hogaanka u dheereeyay Chelsea Daqiiqadii 34aad waxana Ciyaarta ay ku soo dhamaatay 2-0.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Chelsea, waxaanay Blues yeelatay 7 dhibcood iyada oo hoggaanka u haysa Group E, halka RB Salzburg oo labaad ku jirtaana ay haysato 6 dhibcood, AC Milan ayaa iyaduna leh 4 dhibcood.
Shaxda Kulanka ee Labada Koox
Milan XI: Tatarusanu, Giroud, Krunic, Tomori, Bennacer, Theo, Gabbia, Brahim, Tonali, Leao, Kalulu
Subs: Mirante, Rebic, Origi, F.Toure, Tommaso Pobega, Dest, Junior Messias, Andreas Jungdal, Andrei Coubis
Chelsea XI: Thiago Silva, Aubameyang, Koulibaly, Kovacic, Sterling, Jorginho, Kepa, Trevoh Chalobah, Mount, Chilwell, Reece James
Subs: Azpilicueta, Marcus Bettinelli, Edouard Mendy, Loftus-Cheek, Marc Cucurella, Zakaria, Pulisic, Havertz, Conor Gallagher, Armando Broja, Carney Chukwuemeka