Chelsea oo markan u dhaqaaqday daafaca midig ee Lyon ee Malo Gusto.

Chelsea oo sii wadata saxeexyada badan ee ay suuqan January eryanayso ayaa markan u dhaqaaqday daafaca midig ee Lyon ee Malo Gusto.

Sida uu sheegayo saxafiga ree France ee Santi Ouna, Chelsea ayaa dalabkii koowaad ee ay ka gudbisay Gusto laga soo diiday balse diyaarinaysa mid labaad.

Chelsea ayaa saxeexa Gusto u doonaysa inuu kaabis u noqdo daafaca midig ee kooxdeeda ee Reece James oo dhaawacyadu ku bateen dhawaanahan.

Santi Ouna ayaa sheegaya in Chelsea ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay oo ay ka saxeexeen heshiis lix sano iyo badh ah isla markaana ay haatan wadahadalka kula jiraan Lyon.

Gusto ayaa ah xiddiga lama taabtaanka ka ah daafaca midig ee shaxda tababare Laurent Blanc isagoo booska kala baxay Dubois.

19 sano jirkan ayaa guud ahaan 54 kulan usoo ciyaaray kooxdiisa tartamada oo dhan isagoo lix caawimo soo sameeyay mudadaas.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*