Chelsea Oo Muddo Bil Ah Waayi Doonta Goolhaye Edouard Mendy Xilli Ciyaareedka Dambe.

Edouard Mendy ayaa isku badalaya mid ka mid ah saxiixyada ugu wanaagsan  xilli ciyaareedkan ee kooxda Chelsea kadib bilowgii cajiibka ahaa ee uu ku bilaabay Stamford Bridge.

Kadib niyad jabkii Kepa Arrizabalaga, Blues marwalba waxay dooneysay inay keensato goolhaye cusub, Petr Cech ayaa safka hore kaga jiray raadinta.

The Blues ayaa Mendy kala soo wareegtay Rennes heshiis shan sanadood ah waxaana uu noqday mid aad u qurux badan mudadii yarayd ee uu joogay galbeedka London.

Sideedii kulan ee uu ilaa haatan u ciyaaray Blues waxa laga dhaliyay laba jeer oo kaliya waxana uu haystaa 6 kulan oo nadiif ah isaga oo magaciisuba yahay.

Lampard xaqiiqdii wuxuu umuuqdaa inuu helay goolhayihii doonayey, laakiin xilli ciyaareedka soo socda wuxuu lumin doonaa lambarka koowaad muddo bil ah.

Intii lagu guda jiray fasaxii xulalka ee toddobaadkan, Mendy wuxuu ahaay ninka ugu muhiimsan  xulka Senegal maadaama ay u soo baxeen Koobka Qaramada Afrika sannadka 2022.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*