Chelsea oo qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka muhiimka ah ee Villarreal

Photo by Aitor Alcalde Colomer/Getty Images)

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid tahay kooxaha doonaya inay dalab u diraan ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Villarreal Samuel Chukwueze.

Lacag badan ayey ku qarash gareeyeen suuqa kala iibsiga, iyagoo keenay Hakim Ziyech, Timo Werner iyo Kai Havertz, laakiin waxay umuuqataa in kooxda ay wali diyaar u tahay inay sii wadato keenista wajiyo cusub.

Wargeyska La Razon ayaa sheegaya in Chelsea ay ka mid yihiin kuwa doonaya Samuel, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 80 milyan euro oo ah qandaraaskiisa haatan.

Blues ayaa laga yaabaa in ay si weyn uga fikirayso in ay ku badasho xiddigo ay ka mid yihiin Christian Pulisic iyo Callum Hudson-Odoi taas oo la macno ah in ay fursad u heli doonaan xiddigaha reer Nigeria sidoo kale.

Samuel wuxuu umuuqdaa mid rajo weyn leh wuxuuna noqon karaa mid ku fiican waxa Lampard isku dayayo inuu ka dhiso garoonka Stamford Bridge, inkastoo isla warbixinta ay cadeynayso inay la dagaalami doonaan kooxo kale oo badan oo doonaya saxiixiisa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*