Chelsea oo rajeyneysa inay heshiis hoose kula soo wareegto Frenkie de Jong

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dayayso in ay Barcelona kula heshiiso qiimo jaban Frenkie De Jong.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Holland ayaa xagaagan oo dhan ku raad joogtay Manchester United , halka Chelsea ay sidoo kale ku soo biirtay tartanka iyadoo warbixin dhawaan la soo saaray lagu sheegay in Blues ay ku dhowdahay inay heshiis la gaarto Barcelona.

Sida laga soo xigtay Evening Standard , Chelsea ayaa ka shaqeyneysa inay hoos u dhigto qiimaha Barcelona oo ay ka dhigto wax ka yar 71 milyan ginni oo lagula heshiiyay Manchester United

Milkiilaha Chelsea Todd Boehly ayaa si toos ah ula macaamilaya madaxweynaha Barcelona Joan Laporta , haddii heshiis la isla meel dhigo, Chelsea waxay rajeyneysaa in Thomas Tuchel uu ku qanciyo De Jong inuu ku biiro kooxda.

Inkastoo Chelsea ay ku dhowdahay inay heshiis la gaarto, De Jong ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu sii joogo Spain, halka arrinta 17 milyan ginni ee lagu leeyahay mushaarka dib loo dhigay ay sidoo kale adkeyneyso suuqa kala iibsiga.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa isha ku heysa inay iska iibiso ciyaartoydeeda si ay boos uga banaanaato bixinta biilka mushaharka, iibka De Jong ayaana fursad u furi doona saxiixa Bernardo Silva oo ka tirsan Manchester City .

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*