Chelsea oo soo bandhigtay xiisaha ay u qabto xiddiga Bayern Munich ee Serge Gnabry

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso xaalada qandaraaska Serge Gnabry ee Bayern Munich , iyadoo Blues ay xiiseyneyso saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka.

26-sano jirkaan ayaa mar kale u ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Bayern intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo u saftay 31 kulan tartamada oo dhan, isagoo ka qeyb qaatay 12 gool iyo sagaal caawin.

Gnabry ayaa galay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa Allianz Arena, dhawaanahan waxaa jiray hadal heyn ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda heysata horyaalka Bundesliga.

Sida laga soo xigtay Bild , Bayern ayaan haatan diyaar u ahayn inay buuxiso shuruudaha mushaharka ee xidigan, taasoo abuurtay xiisad, iyadoo Chelsea la ogeysiiyay xaalada.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Blues ay ‘albaabka ku garaacday’ taasoo ku saabsan inuu u dhaqaaqi karo, weeraryahanka ayaana u furan fikradda ah inuu ku laabto London si uu u matalo kooxda heysata Champions League.

Gnabry ayaa xirfadiisa ciyaareed ka soo bilaabay Arsenal laakiin waxa uu ku guul daraystay in uu horumar ka sameeyo kooxda isaga oo u wareegay Werder Bremen 2016 ka hor inta uuna iman Bayern 2017.

Weeraryahanka – sidoo kale dhawaan lala xiriiriyay Manchester United iyo Liverpool – ayaa dhaliyay 59 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 39 caawin 157 kulan oo uu u saftay Der FCB tartamada oo dhan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*