
Chelsea ayaa dareenkeeda u weecisay daafaca kooxda Monaco ee Benoit Badiashile kadib markii ay waayeen dhowr bartilmaameed oo daafaca dhexe ah.
Dib u dhacii ugu dambeeyay ee Blues ayaa waxay ku wayday Jules Kounde, kaasoo qarka u saaran inuu ku biiro Barcelona .
Waxay sidoo kale awoodi waayeen inay la soo saxiixdaan Nathan Aké, Matthijs De Ligt, Nordi Mukiele iyo Presnel Kimpembe .
Badiashile oo 21 jir ah ayaa bartilmaameed kale u ah Thomas Tuchel , sida laga soo xigtay L’Equipe .
Monaco ayaa dalbanaysa ugu yaraan 50 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga xulka qaranka France ee U21
Be the first to comment