Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay dalab u dirto daafaca Bayern Munich David Alaba inta lagu jiro bishaan Janaayo.
Inkasta oo uu wali yahay nin muhiim ka ah garoonka Allianz Arena, qandaraaska Alaba wuxuu dhacayaa sanadka 2021, taas oo si dabiici ah u horseeday xiisaha baahsan ee saxiixiisa.
Liverpool , Manchester City , Real Madrid iyo Barcelona ayaa dhamaantood lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Austria intii lagu jiray xagaagan.
Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay AS , Chelsea ayaa laga yaabaa inay dalab rasmi ah ka gudbiso bisha Janaayo, inkastoo 28 jirkaan lagu heli karo beeca xorta ah ugu dambeyn 2021.
Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Blues ay dooneyso inay ku tijaabiso Bayern inay ka iibiso qiimo jaban, halkii ay siin laheyd kooxda ku guuleysatay Champions League waqti dheeri ah oo ay kula heshiiyaan ciyaaryahanka cusub
Wadahadaladii u dhaxeeyay Bayern iyo Alaba ayaa lagu soo waramayaa inay istaageen iyadoo Bayern aysan diyaar u aheyn inay bixiso mushaharkiisa.