Chelsea oo wadahadalo kula jirta Deco oo ku saabsan garabka Leeds ee Raphinha

Chelsea ayaa wadahadalo la yeelatay wakiilka Raphinha ee Deco usbuucan kaasoo ku saabsan soo wareejinta xidigan.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Brazil ayaa si aad ah loo doonayaa xagaagan, iyadoo Blues, Arsenal iyo Barcelona ay ku tartamayaan saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay Daily Mail , Chelsea ayaa Raphinha u gudbisay dalab ku dhow 118,000 oo gini todobaadkii waxayna heshiis 55 milyan ginni ah kula heshiisay Leeds.

Waxa kaliya ee hadhay waa in lagu qanciyo ciyaaryahanka inuu saxiixo heshiiska.

Si kastaba ha ahaatee, Raphinha ayaa la sheegay inuu rajo ka qabo inuu u dhaqaaqo Barcelona .

Kooxda reer Catalan ayaa aad u dooneysa inay hesho saxiixiisa, laakiin ma awoodaan inay la yimaadaan lacagta si ay ula mid noqdaan dalabka Chelsea ee Leeds.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*