Home Wararka Ciyaaraha Chelsea oo wadahadalo kula jirta wakiilada weeraryahanka ka tirsan Kooxda Roma

Chelsea oo wadahadalo kula jirta wakiilada weeraryahanka ka tirsan Kooxda Roma

0

Chelsea ayaa la sheegay in ay wadahadalo kula jiraan wakiilada Paulo Dybala si ay ugala hadlaan sidii ay ula wareegi lahaayeen.

Weerar yahanka reer Argentine, ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Roma xilli ciyaareedkii hore ka dib markii uu si xor ah ugu dhaqaaqay kooxda.

Iyadoo Roma ay haysato arrimo dhaqaale, Dybalana uu doonayo inuu ka ciyaaro Champions League, waxaa laga yaabaa inuu iib yahay.

Sida laga soo xigtay wariyaha suuqa kala iibsiga Pedro Almeida, Chelsea ayaa xiriir la sameysay wakiilka Dybala.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ka dhisan Stamford Bridge ayaan heysan wax kubbada cagta Yurub ah oo ay soo bandhigto, halka ay heystaan ​​ciyaaryahano badan oo boosas weerarka ah horey ugu joogay kooxda.

Dybala ayaa laga yaabaa inuu xiiseynayo, iyadoo Chelsea ay u badan tahay inay labanlaaban karto ama ay seddex jibaari karto mushaharka uu ka qaato Roma .

Previous articleKooxda Arsenal oo Heshiis la gaartay Xidiga Jurrien Timber
Next articleXidigii ugu horeeyay ee chelsea oo macsalaamayn kal iyo laab ah u diray saaxiibkiis Mason Mount

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here