Chelsea oo War Cusub kasoo saartay Dhaawaca gaaray Wesley Fofana

Image: Getty Images

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa war cusub ka heshay xiddiga dhaawaciisu uu naxdinta ku riday tababare Graham Potter ee Wesley Fofana oo isaga oo ilmadu ka da’ayso laga saaray garoonka kulankii Champions League ee AC Milan ee Arbacadii.

Difaaca reer France oo gool dhaliyey ayaa dhulka ku dhacay isaga oo aad u qaylinaya, isla markaana ilmada ceshan kari la’ oo ooyaya kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay jilibka oo uu hore muddo sannad ah garoomada ugaga maqnaa dhaawac isla jilibkan kasoo gaadhay.

Wesley Fofana ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay garoonka ka baxay isaga oo xidhan kuf u ilaalinaya jilibka, iyadoo lagu beddelay Chalobah daqiiqaddii 38aad oo uu dhulka ku dhacay isaga oo la xafiiltamaya Rafael Leao.

Baadhitaano ayaa lagu sameeyey maanta iyadoo laga qaaday sawirro, waxaana lagu soo warramayaa in dhaawaciisu uu aad uga fudud yahay sidii markii hore la moodayay oo uu kaliya muddo saddex toddobaad ah garoomada ka maqnaan doono, taas oo ka dhigan in ay suurtogal tahay in uu ka mid noqdo xulka qaranka France ee Koobka Adduunka.

Ciyaartoyda Chelsea  ayaa baraha bulshada kaga falcelinaya warbixinta dhaawaca Fofana waxaanay ugu ducaynayaan in uu si degdeg ah uga soo kabto dhaawacan, waxaana ciyaartoyda falcelinta degdegga ahaa sameeyey ka mid ah Raheem Sterling, Mason Mount iyo Trevoh Chalobah.

Haddii ay run noqoto in uu saddex toddobaad maqnaado, waxa uu Wesley Fofana seegi doonaa kulamada Wolves, AC Milan, Aston Villa, Brentford iyo Manchester United.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*