Chelsea oo War Farxad leh ka Heshay Christopher Nkunku oo ay Mudo Raadinaayeen

Agaasimaha ciyaaraha ee RB Leipzig Max Eberl ayaa si maldahan u sheegay in Christopher Nkunku uu ka tagi karo kooxda xilli ay xiiso ka helayso kooxda Chelsea .

Xiisaha soo jiitay xagaagii ka dib markii uu dhaliyay 35 gool islamarkaana caawiyay 20 caawin 52 kulan oo uu u saftay Leipzig xilli ciyaareedkii hore.

Halkii uu ka tagi lahaa kooxda, Nkunku waxa uu saxiixay qandaraas cusub oo dhacaya June 2026, sidoo kale waxa uu ku jiray qaab ciyaareed wanaagsan xilli ciyaareedkan, isagoo diiwaan geliyay 17 gool iyo afar caawin 23 kulan.

Qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ayaa keenay in looga yeero xulka France ee ka qeyb galaya koobka adduunka, laakiin waxa uu dhaawac jilibka ah ka soo gaaray tababarka taas oo keentay in uu ka maqnaado tartanka.

Inkastoo uu dhawaan heshiis cusub u saxiixay Leipzig, Nkunku ayaa weli lala xiriirinayaa kooxo dhowr ah oo ay ku jiraan Liverpool , Paris Saint-Germain iyo Real Madrid , inkastoo Chelsea ay u muuqato inay hogaamineyso tartanka saxiixiisa

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*