Chelsea oo xiiseyneysa Dembele iyadoo PSG ay ka baxday tartanka loogu jiro garabka Barcelona

Kooxda chelsea ayaa dhiiri galin ka heshay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Barcelona Ousmane Dembele .

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa qandaraaskiisa kooxda Catalan uu dhacayaa, waxaana lagu wadaa inuu doorto kooxdiisa xigta.

Sida laga soo xigtay Sport , Paris Saint-Germain ayaa ka baxday tartanka loogu jiro saxiixa Dembele.

Weli waxaa jirta suurtogalnimada in 25-sano jirkaan uu dib ugu soo cusbooneysiiyo Barca, maadaama uu xaliyay arrimahiisa taam ahaanshihiisa, islamarkaana uu si weyn uga soo muuqday qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore.

Dembele ayaa saftay 32 kulan tartamada oo dhan, iyadoo inta badan uu ka hoos shaqeeyay tababare Xavi Hernandez ka dib markii uu shaqada kala wareegay Ronald Koeman .

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa rajeynaya inuu u dhaqaaqo koox uu si joogto ah ugu ciyaari karo kooxda koowaad ka hor Koobka Adduunka ee jiilaalka.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*