Chelsea oo xiiseyneysa saxiixa Sergio Aguero, iyo Erling Braut Haaland’

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isku daydo saxiixa labada xidig Sergio Aguero iyo Erling Braut Haaland ka hor xilli ciyaareedka 2021-22.

Aguero ayaa si bilaash ah uga tagi doona Man City dhamaadka bisha June, waxaana weeraryahankan khibrada badan la rumeysan yahay inuu doonayo inuu baaqi kusii ahaado Premier League.

Dhanka kale Haaland ayaa wali lala xiriirinayaa inuu ka tagayo kooxda Dortmund oo wajaheysa suurtagalnimada inay boos ka weyso xilli ciyaareedka soo socda Champions League.

Sida laga soo xigtay 90min , Chelsea ayaa u furan fikradda ah inay labo weeraryahan keento kooxda xagaagan sababo la xiriira hubanti la’aan ku haysa mustaqbalka Tammy Abraham iyo Olivier Giroud .

Warbixinta ayaa sheeganeysa in saxiixa Haaland uu yahay mudnaanta kooxda reer London ee suuqa soo aadan, laakiin Aguero sidoo kale ‘waxaa tixgelinaya’ shaqsiyaadka waa weyn ee Stamford Bridge.

Chelsea ayaa dhibaato kasoo aaday rajadooda ku aadan hanashada Premier League xilli ciyaareedkan iyadoo Timo Werner iyo Kai Havertz ay labaduba dhibtoonayaan tan iyo markii ay yimaadeen xagaagii hore.

Haaland ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu diirada u saaran yahay kooxaha Barcelona , Real Madrid , Liverpool , Man City iyo Manchester United ka hor suuqa xagaagan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*