Home Wararka Ciyaaraha Chelsea oo xiriir la samaysay wakiilada ciyaartoy ka tirsan Kooxda Inter Milan

Chelsea oo xiriir la samaysay wakiilada ciyaartoy ka tirsan Kooxda Inter Milan

0
Ad

Chelsea iyo Paris Saint-Germain ayaa la socda xaalada Milan Škriniar ee kooxda Inter Milan.

Daafaca dhexe wax ka badan lix bilood ayaa uga haray qandaraaskiisa, mana jirto wax cadeyn ah oo ku saabsan waxa uu qorsheynayo inuu ku sameeyo mustaqbalkiisa wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Ad

FcInterNews ayaa heshay warbixin ka hadlaysa dalabyada 27 jirka ah ee ah in uu heshiis cusub u saxiixo San Siro, waxayna ka hadlayaan kooxaha Chelsea iyo PSG oo u tartamaya saxiixiisa.

Kooxda Simone Inzaghi ayaa bilaabay inay ka shaqeyso dib u cusboonaysiinta xiddiga heerka caalami ee dalka Slovakia ka dib markii kooxda ku guuleysatay Ligue 1 ay ku guuldareysatay inay la soo wareegto suuqa xagaaga.

Dalabka Nerazzurri waxaa ku jira mushaar dhan €5.5m sanadkii iyo €500,000 oo gunno ah. Tani kuma filna maadaama uu daafaca doonayo €6.5m sanadkii iyo gunooyin. Hadda waxa uu ku jiraa fasax, waxaana jiri doona wadahadalo cusub oo uu la yeelan doono Inter oo ku saabsan mustaqbalkiisa bisha soo socota.

Chelsea ayaana lagu soo waramayaa in wakiilada xidigan ay hada la sameysay xiriiro ku aadan qaabka loo soo afjari karo saxiixa.

Previous articleTababaraha Brazil ee Tite oo ka hadlay Xaalka Neymar iyo Dhaawac Canqowga ee soo gaaray
Next articleWales 0-2 Iran: Xulka Iran oo ku Ciil-baxay Wales, Xidigaha Cheshmi iyo Rezaeian oo Shabaqa soo taabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here