Chelsea oo xoojineysay baacsiga 21 jirkaan khadka dhexe ee reer England

Wararka xan ah oo laga helay kooxda chelsea ayaa sheegaya in ay qorsheenayaan soo qaadashada xidiga ka tirsan kooxda West Ham Utd Declan Rice.

Frank Lampard ayaa la rumeysan yahay inuu taageere weyn u yahay 21 jirkaan kaasoo door muhiim ah ka ciyaaray bilowgii cajiibka ahaa ee kooxda David Moyes ee uu u ciyaaray ololaha cusub ee Premier League.

21 jirkaan khadka dhexe ayaa durbaba u saftay in ka badan 100 kulan kooxda ka dhisan bariga London, ka dib markii uu isku soo taagay heer kooxeed iyo heer caalami, wuxuu doonayaa inuu ka ciyaaro kooxo qaadi karaa koobab

Inkasta oo kooxda ka dhisan Galbeedka London ay u muuqato inay horumar ka sameyneyso haddana fursadaha Rice ayaa noqon kara u dhaqaaqista Stamford Bridge.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*