Home Suuqa Kala iibsiga Chelsea oo xoojisay xiisaheeda goolhayaha Villarreal Filip Jorgensen

Chelsea oo xoojisay xiisaheeda goolhayaha Villarreal Filip Jorgensen

0

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay xoojisay xiisaheeda goolhayaha Villarreal Filip Jorgensen iyadoo dalab furitaan ah ka gudbisay 22 jirkaan.

Tababaraha cusub ee Blues Enzo Maresca ayaa raadinaya goolhaye uu ka dhigto dooq koowaad.

Robert Sanchez waxaa lagala soo wareegay Brighton & Hove Albion si uu u buuxiyo booska Edouard Mendy xilli ciyaareedkii hore, laakiin ka dib dhaawacii soo gaaray, waxaa booskiisa ciyaarayay Djordje Petrovic.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Serbia looma maleynayo inuu kasbadan karo kalsoonida Maresca , inkastoo Kepa Arrizabalaga ay u badan tahay in la iibin doono ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Marcus Bettinelli, Gabriel Slonina iyo Lucas Bergstrom ayaa sidoo kale ku jira liiska goolhayasha ay doonayan Blue.

Si kastaba ha ahaatee, 22 jirkan Jorgensen ayaa horayba khibrad gudaha iyo qaaradda ah uga soo qaatay Villarreal, waxaana la soo wariyay horraantii toddobaadkan in Chelsea ay la gashay wadahadallo ay ku keenayso Premier League.

Bishii hore ayeey Villarreal ka saxiixatay heshiis cusub goolhaye Jorgensen kaasi oo gaaraya ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka 2028-29, Chelsea ayaana loo maleynayaa inay dareenkeeda u jeediso goolhayaha Real Madrid Andriy Lunin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here