Xiddigii hore ee England Chris Sutton ayaa saadaaliyay natiijada kulanka Liverpool iyo Chelsea todobaadkan ee premier League.
Garoonka Anfield ayaa marti galin doona kulanka labada kooxood ee wareega 8-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Liverpool ayaa hogaanka horyaalka England ku hogaaminaysa 18 dhibcood, halka Chelsea ay leedahay 14 dhibcood oo kaalinta afraad ah.
Chris Sutton ayaa ku yidhi, bayaan ay daabacday ShabakaddaBBC: “Qof walba waxa uu hadda ka hadlayaa imtixaannada soo socda ee Liverpool, kuwaas oo xilli ciyaareedka ku bilaabay waxa ay dadka qaar ugu yeedhaan kulamo fudud, laakiin ka dib kulanka Chelsea, waxa uu aadi doonaa Emirates Stadium si ay ula ciyaaraan Arsenal”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu hadalkiisa sii raaciyay: “Kulankan bilowgiisa waa mid adag, waxaana labadan kooxood u dhaxeeyay 20-kii sano ee lasoo dhaafay xifaaltan weyn, mana filayo in jaceyl badan uu dhexmari doono marka ay kulmaan Axada”.
Waxa uu la yaabay: “Chelsea miyay aadi kartaa Anfield oo ay awood ku yeelan kartaa in ay garaacdo liverpool, ma hubo, dhaawaca Alisson waxa uu dharbaaxo ku yahay Liverpool, laakiin Kelleher waa bedel aad u fiican”.
Waxa uu intaa ku daray: “Dhanka kale, qaab ciyaareedka Slot wuxuu u muuqdaa mid ku habboon Mohamed Salah waxana uu siinayaa fursad weerar oo muhiim ah”.
“Ciyaarta lafteeda waxa ay noqon doontaa mid tijaabo u ah laba tababare oo ku cusub premier League”.
Chris Sutton ayaa saadaaliyay in Liverpool ay laba gool iyo hal kaga badin doonto Chelsea kulankooda.