Christian Eriksen oo Sharaxay Sababta uu u xirtay Number-ka 14aad ee Manchester United

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester United Christian Eriksen ayaa sharaxay sababta uu u xirto lambarka 14-aad ee kooxda.

Eriksen ayaa xagaagii hore si xor ah ugu biiray Manchester United, ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa Brentford ee mudada gaaban.

Deenishka ayaa si dhakhso ah u noqday xidig laga jecel yahay kooxda isaga oo si joogto ah u xoojiyay dhexda kooxda

Eriksen ayaa United ku hogaamiyay caawinta , wuxuuna dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeeyay kooxda kulankii ugu dambeeyay ka hor inta aan la aadin nasashada koobka adduunka.

Xidiga ayaa sheegay markii uu ku soo biiray kooxda loo soo bandhigay dhoor number oo ka banaanaa kooxda.

Waxa uu sheegay in Wiilkiisa uu u bandhigay Numberada ugu danbeyn uu u dooqay Numberka-ka 14aad sababtaasna uu ku yimid.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*