Christian Eriksen Oo Tilmaamay Booska Ugu Fiican Ee Uu Uga Ciyaaro Karo Kooxdiisa Man United

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Christian Eriksen ayaa ka warramay booskiisa ugu fiican ee uu kooxdaas oo durba boosas kala duwan u adeegsatay uga ciyaaro karo.

Manchester ayaa xilli ciyaareedka qaab argagax leh ku bilaabatay kaddib guuldarrooyin kasoo gaadhay Brighton iyo Brentford labadii kulan furitaan ee Premier League walow ay gadaal kaga soo kabteen afar guulood oo xidhiidh ah.

Eriksen oo xagaagii kusoo biiray ayaa xubin muhiim ka ahaa isbedelka Man United samaysay isaga oo dhammaan siddeeda kulan ee ay ilaa haatan tartamada oo dhan kasoo ciyaareen kasoo muuqday.

Khadka dhexe ee Danish-ka ah ayay kooxdiisa cusubi u adeegsatay boosas kala duwan tan iyo markii uu kusoo biiray waxaana kamid ahaa booska No.9 iyo midka No.6.

Eriksen ayaa aaminsan in booska No.8 ee uu kulamadii ugu dambeeyay ka ciyaarayay yahay midka ugu fiican ee uu kooxda ka caawin karo isagana ku haboon.

“Intii lagu jiray wakhtigaas (Bilawgii xilli ciyaareedka) raadin ayaanu ku jirnay, xataa aniga dhinacayga. Boosas badan oo kala duwan ayaan wakhti gaaban kaga ciyaaray” ayuu Eriksen u sheegay il-wareedka Politiken.

“Ugu horreyn weeraryahan kaddibna burburiyaha khadka dhexe, kulamadan ugu dambeeyay waxaan u ciyaarayay ka No.8 ahaan aad ayuuna iigu haboon yahay”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*