Ciyaartoyda Chelsea oo ku soo laabtay garoonka tababarka

Ciyaartoyda Chelsea ee aan ka tirsanayn Koobka Adduunka ayaa dib ugu soo laabtay garoonka tababarka.

xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Christian Pulisic, Hakim Ziyech iyo Kalidou Koulibaly ay wacdaro ka dhigayaan Qatar, ciyaartoy badan oo Chelsea ah ayaa ku haray London.

Waxay sii wadayaan tababarka Cobham iyadoo Potter uu isku diyaarinayo soo laabashada Premier League .

Blues ayaa marti galin doonta Bournemouth 27-ka December kulankooda ugu horeeya ee soo laabashada kadib fasaxa koobka adduunka.

Laakiin marka hore Chelsea waxay la ciyaari doontaa Aston Villa kulan saaxiibtinimo toban maalmood gudahood si ay ciyaartoyga uga caawiso inay sii ilaashadaan qaab ciyaareedkooda fiican.

Ciyaartoyda sida Pierre-Emerick Aubameyang , Jorginho iyo Trevoh Chalobah ayaa ku soo laabtay tababarka khamiistii.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*