Ciyaartoyda Manchester United oo Cabsi kala Kulma Cristiano Ronaldo

Qaar ka mid ah ciyaartoyda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dareemayaan “cabsi” maskaxda ‘ oo uga imaaneysa Cristiano Ronaldo.

36-sano jirkaan ayaa dhawaan wareysi uu siiyay Sky Sports News ku sheegay in ciyaaryahan walba oo Red Devils ah uu wax ka wanaagsan sameyn karo, islamarkaana uusan aqbali doonin in kooxda ay ku dhameysato wax ka hooseeya kaalinta seddexaad ee horyaalka Premier League.

Ronaldo ayaa niyad jab ku soo laabtay Old Trafford, iyadoo warbixin hore lagu sheegay in imaatinka weeraryahanka ay xiisad ka abuurtay qolka labiska.

Haddaba, The Sun ayaa warinaysa in ciyaartoy badan oo Man United ahi ay ka feejigan yihiin in ay khaladaad sameeyaan ama ay ku fashilmaan in ay baas sax ah ay siin waayaan Ronaldo sababta oo ah falcelin xun oo ay kala kulmaan xiddiga shanta jeer ku guulaystay Ballon d’Or.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Ronaldo laga soo xigtay inuu u sheegay ciyaartoyda da’da yar ee United: “Haddii aadan rabin caawimaaddayda, qabso shaqadaada.”

Ciyaartoyda kooxda koowaad ee United ayaa lagu eedeeyaa inay ku raaxaystaan ​​tababaro aan xamaasad lahayn iyo kuwo tartan ah marka loo eego Ronaldo, kaasoo doonaya inuu qaato habab badan oo uu hore u isticmaali jiray halyeeyga kooxda Sir Alex Ferguson .

Kaddib markii uu dhaawac ku seegay kulankii FA Cup-ka ee ay ka badiyeen Aston Villa, Ronaldo ayaa daaha ka qaaday inuu rajaynayo inuu dib ugu soo laabto tartanka Premier League ee United ay u safreyso Villa Park sabtida.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*