Home Warka Xiisaha Leh Ciyaartoyda Manchester United oo garoonka iska soo xaadiriyey saacado kaddib guul-darradii...

Ciyaartoyda Manchester United oo garoonka iska soo xaadiriyey saacado kaddib guul-darradii xanuunka badnayd ee ay Axaddii kala soo kulmeen Arsenal

0
Ad

Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa garoonka iska soo xaadiriyey saacado kaddib guul-darradii xanuunka badnayd ee ay Axaddii kala soo kulmeen Arsenal oo 3-2 kusoo garacday kulankoodii k dhacay Emirates Stadium.

Tababare Erik ten Hag ayaa si degdeg ah iskugu yeedhay ciyaartoydiisa subaxnimadii hore ee Isniintii, isaga oo meesha ka saaray fasax hal maalin ahaa oo lasiin jiray marka ay ciyaaraan, waxaana uu markiiba ku bilaabay tababar adag oo uu ugu diyaarinayo kulamada soo aaddan.

Ad

Jadon Sancho iyo Axel Tuanzebe oo muddo dheer dhaawac ku maqnaa ayaa iska soo xaadiriyey tababarka Isniintii, waxaana uu Ten Hag u sheegay in qof kasta oo kooxdiisa ah uu diyaar ahaado si uu kooxda u caawiyo, sababtoo ah jadwalka cidhiidhiga ah ee ay afarta ciyaarood dheelayaan toban maalmood gudahood.

Manchester United ayaa toban ciyaarood dheelaysa 32 maalmood gudahood oo illaa 26ka February ah, waxaanay uga bilaabmaysaa Arbacada berri oo ay semi-finalka Carabao Cup isku arki doonaan Nottingham Forest.

Ciyaartooda xigta ayay Sabtida foodda is-dari doonaan Reading oo ay tartanka FA Cup isku dhaceen, haddana iyaga oo aan nasanin ayay 1da February is haleeli doonaan Nottingham Forest iyo Crystal Palace oo saddex maalmood uga sii dambayn doonta.

Xiddiga ka farxiyey Manchester United ee uu Erik ten Hag dib usoo dhoweeyey waa waa kubbad-burburiyaha Brazil ee Casemiro oo ganaax kaga maqnaa ciyaartii Arsenal ee Axaddii.

Jadwalka cidhiidhiga ah ee Manchester United kliya kuma koobna horyaalka Premier League iyo tartamada maxalliga ah, balse waxa uu u raacayaa illaa Europa League oo ay Barcelona isku dhaceen.

Marka ay ka faraxashaan afarta ciyaarood ee tobanka maalmood gudaheed ah, United ayaa waxay February 8 iyo February 12 la ciyaari doonaa Leeds United oo ay laba jeer is-arki doonaan, iyaga oo Khamiista February 16 ay is-haleeli doonaan Brcelona, ka hor inta aanay saddex maalmood kaddib foodda is-darin Leicester City, iyaga oo isla toddobaadka xigana mar kale isku soo laabanaya Barcelona lugtooda labaad oo dhici doonta February 23.

Previous articleReal Madrid oo xorriyad u siisay afara ka mid ah ciyaartoydeeda inay inay sii joogaan iyo inay iska tagaan.
Next articleGo’an laga gaaray Mustaqbalka Thiago Silva ee Kooxda Chelsea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here