Home Wararka Ciyaaraha ciyaartoyda Manchester Uniter oo Caraysan Fasixii laga baajiyay.

ciyaartoyda Manchester Uniter oo Caraysan Fasixii laga baajiyay.

0

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa sheegay inuu rajaynayo in ciyaartoydiisu ay cadhoodaan ka dib markii la baajiyay fasaxii ay ku qaadan lahaayeen axadii hore.

Red Devils ayaa guuldarro 4-0 ah kala kulantay Brentford bishii Ogosto 13-keedii, iyadoo ka jawaabeysa, Ten Hag wuxuu ku wargeliyay ciyaartoydiisa inay soo xaadiraan tababarka dheeriga ah maalinta xigta, taasoo loo maleynayo inay tahay fasaxooda.

Isagoo la hadlayay suxufiyiinta ka hor kulanka Isniinta ee Liverpool, ninka reer Holland ayaa yiri: “Waxaan rajeynayaa inay xanaaqsan yihiin, laakiin naftooda u xanaaqsan yihiin, midba midka kale ka xanaaqsan yahay inaysan mas’uuliyad iska saarin.

Guuldarooyinka is xigxiga ka dib, Ten Hag ayaa durba cadaadis saarnaa, laakiin tababaraha United ayaa aaminsan inuu yahay ninka ku haboon shaqada

Inkasta oo United ay ku dhibtoonaysay labadii kulan ee furitaanka horyaalka, haddana si fiican ayay isugu diyaarinaysaa xilli ciyaareedka cusub, waxaanay badisay saddex kulan, laba barbaro ah iyo hal guuldarro.

Isagoo ka jawaabaya isbeddelka nasiibka, Ten Hag wuxuu yiri: “Xilligi hore waxaan sameynay si wanaagsan – laakiin labadii kulan ee ugu horeysay horyaalka ma aysan fiicneyn, taasi waa caddahay.

 

 

Previous articleBochum 0-7 Bayern Munich: Mane oo labo gool dhaliyay iyadoo wiilasha Nagelsmann ay sii wataan guulahooda
Next articleMarcus Rashford oo go’aansaday inuu sii joogo Manchester United xilli dhawaan ay wadahadalo la yeesheen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here